1101 Views

Jubbaland oo u digtay Musharixiinta Madaxweynenimo

Jubbaland oo u digtay Musharixiinta Madaxweynenimo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa ka digay in waxa uu ugu yeeray dacaayado laga abuuro Ciidamada Jubbaland e esugaya Amniga Magalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee xilligaan ol olaha wada laga doonayo inay wanaag wax ku raadiyaan balse aan laga aqbaleyn inay gef u geestaan Ciidamada Jubbaland.

Isaga oo sii hadlayaya  Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid ayuu sheegay in qof walba uu musharax u noqon karo Madaxtinimada iyo Xildhibaanada Jubbaland,balse aan laga aqbalayn in ay wado qaldan madaxtinimo ku raadiyaan.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ay eedeyn iyo dhaliilo ay u jeedinayeen Madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment