1308 Views

Kheyre oo caalamka ugu baaqay in kaliya aysan xoogga saarin dagaalka Al-shabab

Kheyre oo caalamka ugu baaqay in kaliya aysan xoogga saarin dagaalka Al-shabab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay Madasha Sanad laha ah ee Dooxa ayaa Waddamadii ka qeybgalay ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Ra’isalwasaare Kheyre oo afka Ingiriiska ku khudbeynayay ayaa sheegay in Adduunka uu xoogga saaray in dagaalka waxa loogu yeero argagixisada lagu wajoho dagaal iyo Milatari.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in maalgashi dhaqaale,siyaasadeed iyo shaqa abuur lagu wajoho dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab halkii adduunka waqti iyo qarash ku bixin lahaa kaliya milatariga.

Ra’isalwasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumark ka sameysay dowlad wanaagga,la dagaallanka musuqa,dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Inta uu socday kulanka sanad laha ah ee mdasha Dooxa ayuu Ra’isalwasaare kheyre la kulmay qaar ka mid ah madaxda Waddamada ka qeybgalay shirka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment