3045 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay guddi baara eedeymaha loo jeediyay NISA ee askareynta carruuta

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay guddi baara eedeymaha loo jeediyay NISA ee askareynta carruuta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 9, 2016: Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah, kuwaasoo baaritaan ku sameeya eedeymo loo jeediyay Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ay askareyso carruurta ka soo goosata Al-Shabaab, kuwaasoo u adeegsata howlo basaasnimo.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka duulayay warbixintaas ayaa war saxaafadeed uu caaw soo saaray waxaa uu Guddi ka kooban afar xubnood oo kala ah:-

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday Al-Shabaab, oo hay’addaha amnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al-Shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.

Xukuumada Soomaaliya ayaa cafis u fidisay dhalinyarada ka bar bar dagaalama Al-Shabaab, waxaana jiray tiro dhalinyaro ah oo horay dowladda isku soo dhiibay, kuwaasoo la geeyay xarumo lagu dhaqan celiyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment