2418 Views

Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay

Kuuriyada Waqooyi oo gantaallo tijaabisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021Qalabka Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadki todobaadki hore tijaabisay ugu yaraan laba gantaal oo ah nuuca riddada gaaban.

Wargeyska Washington Post oo marki ugu horreysay warbixintaan faafiyay ayaa sheegay, in gantaalladaasi ay ahaayeen kuwi ugu horreeyay ee ay xukuumadda Pyongyang riddo ku dhawaad muddo hal sano ah.

Ma jirto faah-faahin ku aadan nuuca saxda ah ee gantaallada, goorta la tuuray iyo inta ay la egtahay fogaanta ay gaareen. Sidoo kale ma jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha dhanka difaaca ee dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Hase ahaatee, haddii si rasmi ah gantaalladaasi loo xaqiijiyo ayaa waxay ku soo aadi doonaan, maalmo kaddib marki ay Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin iyo Antony Blinken booqdeen dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post