702 Views

Wasiir Goodax Barre” Waxaan ogaanay Siyaasiyiin isku dayay inay fashiliyaan Imtixaanka”

Wasiir Goodax Barre” Waxaan ogaanay Siyaasiyiin isku dayay inay fashiliyaan Imtixaanka”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda uu ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Waxaa uu sheegay in muuqaalkaas ay soo ogaadeen inay ku lug lahaayeen siyaasiyiin doonayay inay fashiliyaan imtixaanka,sidoo kale uu sheegay inay xer xereen dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka sanadkan 2020.

Wasiir goodax Barre oo sii hadlayay ayaa sheegay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.,waxaana uu ka codsaday dhammaan Ardayda ummadda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Booliska Soomaaliya ayaa hray digniin uga soo saaray in aan barabagaando laga abuurin imtixaanka ay Wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya qaadeyso qofkii lagu arkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan sidoo kalena ay jiraan dad ay xir xireen.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12aad ee dugsiga sare,kaas oo soo bilaawday Sabtidii todobaadkaan,waxaana Imtixaanka sanadkaan laga galay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaannada Dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post