567 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo laga helay xanuunka COVID-10,

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo  laga helay xanuunka COVID-10,
____________________________________________________________________________

\

\


khamiis: July 21, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka oo qafiif ah,” islamarkaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona Aqalka Cad.

“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,” ayaa lagu yiri war-saxaadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

“Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aqalka Cad, wuxuuna si buuxda u gudan doonaa waajibaadkiisa muddadan.”

Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale wajahaya waqtigii ugu adkaa muddo xileedkiisa, waxaana hoos usii dhacaya tirada dadka la dhacsan hab maamulkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post