816 Views

Koox ku taqasustay khaarijinta ciidamada Colombia oo ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti

Koox ku taqasustay khaarijinta ciidamada Colombia oo  ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, ayaa ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, ee horraantii isbuucan, sida ay sheegeen booliska dalkaas.

Kooxda weerarka fulisay waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo laba Mareykan ah – asalkooduna yahay Haiti – sida laga soo xigtay taliyaha Booliska dalkaas, Léon Charles, oo la hadlay saxaafadda.

Siddeed ka mid ah kooxdaas laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah, 17-ka kale oo ay ka mid yihiin labada Mareykanka ah, ayaa la qabtay oo la xiray.

Kuwii sida ugu wayn looga shakisanaa waxaa lagu dilay dagaal iyaga iyo booliska ku dhexmaray magaalada caasimadda u ah Haiti ee Port-au-Prince.

Aroortii hore ee subixii Arbacada, koox dablay ah ayaa gudaha u galay guriga madaxweynaha, waxayna toogteen isaga iyo xaaskiisa.

Moïse waxaa la helay isagoo dhabarka u jiifa oo 12 xabadoodna ay ku dheceen. Isla goobta ayuu ku dhintay, sida maamulka dalkaas ay sheegeen.

Xaaskiisa ayaa si xun u dhaawacantay waxaana loo qaaday gobolka Florida si loogu soo daweeyo halkaas. Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.

Weli ma cadda cidda qorsheysay weerarka iyo ujeedadii ka dambeysay. Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah ee Haiti, Claude Joseph, wuxuu BBC-da u sheegay in ay suuragal tahay in madaxweynihii 53 sano jirka ahaa loo bartilmaameedsaday arrimo la xiriiray la dagaallankiisii “kooxaha qaska ka wada dalka”.

Khamiistii, booliska waxay qaar ka mid ah dadka laga shakisan yahay u soo bandhigeen warbaahinta. Waxaa kale oo la soo bandhigay hubkii la soo qabtay, baasaboorrada dalka Colombia iyo waxyaabo kale.

“Ajaaniibtan waxay dalkeena u yimaadeen si ay u dilaan madaxweynaheena,” ayuu yiri Charles.

“Waxaan sii xoojineynaa baritaankeenna iyo farsamada raadinteenna illaa aan soo qabanno 8-da kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah,” ayuu hadalka ku sii daray.

Dowladda Colombia waxay sheegtay in ugu yaraan lix ka mid ah kooxda la sheegay ay u muuqdaan rag militarigooda ka tirsanaa oo hadda howlgab ah.

Dalka Colombia wuxuu ballan qaaday in Haiti uu ka caawinayo dadaalka baaritaanka ee la xiriira dilka madaxweynaha.

Balse, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay in aysan xaqiijin karin in Muwaadintooda lagu qabtay Haiti.

Baarayaasha Haiti waxay weli raadinayaa maskaxdii ka dambeysay arrintan dilka ah ee loo geystay madaxweynaha, taas oo sababtay xasillooni daro kooban oo ka taagan dalkaaas ugu faqiirsan Amerika.

Dad careysan ayaa Khamiistii isugu tagay Saldhigga Booliska, si ay u daawadaan howlgalada ay ciidanka sameynayaan. Waxaa jiro gawaari la gubay. Meesha lagu hayo kuwa laga shakisan yahayna waxaa isugu tagay dad badan.

Yaa hadda masuul ka ah dalka Haiti?

Khaarijinta madaxweynaha waxay sababtay in la garan waayo qofka maamulaya Haiti.

Dastuurka dalkaas wuxuu sheegayaa in Qaadiga maxkamadda Sare uu qabanayo xilka, balse dhowaan ayuu u dhintay xanuunka COVID-19.

Arrintaa ka dib, isbedel la sameeyay waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu hoggaaminayo. Muddadii afarta sano ahayd ee Moïse uu xilka hayay, wuxuu soo magacaabay lix ra’iisul wasaare.

Isniintii, maalin ka hor intii laa la dilin ayuu magacaabay Ra’iisul Wasaarihii Toddobaad oo ah Ariel Henry.

Mr Henry weli looma dhaarinin xilka, balse wuxuu ku adkeystay in uu isaga yahay masuulka dalka hoggaaminaya.

Mr Joseph, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah, wuxuu BBC u sheegay in uu “la yaabay” hadalka ka soo yeeray Mr Henry.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Mr Joseph uu xilka siihayo illaa doorasho laga qabanayo, dhammaadka sannadkan.

Wuxuu sheegay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha, haddana uusan qabaneynin xilkii madaxweynenimo.

“Halkan uma joogo in aan muddo ku sii sugnaado. Waxaan u baahannahay in aan doorasho qabano. Ma lihi qorshe shaqsiyadeed,” ayuu yiri.

Short presentational grey line

Sidee weerarka lagu ogaaday?

Khaarijiyeyaal aad u hubeysnaa ayaa weeraray guriga madaxweynaha oo ku yaalla buuraha ka sarreeya magaalada Port-au-Prince, subixii Arbacada.

Muuqaal la bahiyay waxa ka muuqdo rag aad u hubeysan oo dhar madow wada xiran oo iska dhigayay Laanta Mareykanka ee la dagaallanka daroogada.

“Waa howlgalka DEA [Laanta La dagaallanka daroogada ee Mareykanka], qofkasta dhulka seexo!” ayey dheheen.

Xafiiska madaxweynaha iyo qolkiisa jiifka ayey si degdeg ah u galeen qaarkood.

Seddaxda canug ee ay dhaleen labadii xaas ee hore, Jomarlie, Jovenel Jr iyo Joverlein, ayaa la sheegay in “meel amni ah lagu hayay”, sida saraakiisha laga soo xigtay.

Xitaa ka hor intii aan la dilin madaxweyne Moïse, xaaladda Haiti ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid aan degganeyn, waxaana jiray isu soo baxyo lagu dalbanayay in uu is casilo.

Doorashadii baarlamaanka oo ahayd in la qabto bishii October ee 2019 ayaa dib u dhacay ka dib khilaafyo. Taas micneheedu wuxuu yahay in Mr Moïse uu xilka hayay isagoo wakhtigiisii uu dhammaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post