2280 Views

War-Murtiyeed-ka Shirka Garowe

War-Murtiyeed-ka Shirka Garowe
____________________________________________________________________________

Garowe, Khamiis 2-da Agoosto 2018– Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah iyo wasiirrada dawlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta (Khamiis 2-da Agoosto 2018), ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

  1. Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.
  2. Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood
    • Tubta siyaasadda loo dhanyahay
    • Tubta amniga iyo caddaaladda
    • Tubta dhaqaalaha iyo
    • Tubta Arrimaha bulshada oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.
  3. Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.
  4. In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.
  5. Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.
  6. Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

shirjaraadi-garoowe-1 shirjaraadi-garoowe-2 shirjaraadi-garoowe-3 shirjaraadi-garoowe-4 shirjaraadi-garoowe-5 shirjaraadi-garoowe-6 shirjaraadi-garoowe-7

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment