1065 Views

Farmaajo, Rooble, Fahad , Sadaq joon iyo Xijaar oo ku kala tagay qaabka loola macaamilayo banaanbaxayaasha Bari..

Farmaajo, Rooble, Fahad ,   Sadaq joon iyo Xijaar oo ku kala tagay qaabka loola macaamilayo banaanbaxayaasha Bari..
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Waxaa kulan is afgarad waa ah ku soo dhamaaday caawa, kulan u socday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo, Rooble Taliyaha Ciidamada Booliiska Xijaar iyo Taliyaha Nabadsugida Qaranka Fahad yasiin iyo Taliyaha  Ciidamada Booliiska Gobolka banaadir saadaq joon.

Rooble iyo Xijaar ayaa soo jeediyay in Ciidamo gaar ah loo diro banaanbaxa oo suga amaankooda, oo ay sharci tahay in la ilaaliyo amaanka banaanbaxayaasha iyo Musharixiinta.Hase yeeshee Farmaajo ayaa diiday soo jeedintaas, sida aan xogta ku helnay, waxaana dib loo dhigay war lagu cadeyn lahaa mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa berri oo Jimco ah ka dhici doona Muqdisho.

Warkaas oo lagu fasaxayo banaanbaxa ayaa la qorsheeyey in caawa fiidkii laga soo saaro xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, balse waxaa si adag uga hor yimid madaxweyne Farmaajo oo doonaya in gabi ahaanba la joojiyo banaanbaxa.

Sidoo kale Caawa waxaa madaxtooyada ka socda kulamo ay madaxda waqtigu ka dhamaaday uga arrinsanayaan banaanbaxa berri la iclaamiyey, kaas oo sida laga dareemayo Muqdisho aad loogu diyaar garoobay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post