720 Views

Hir-Shabeelle oo maanta ka bilaaban doomto diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka

Hir-Shabeelle  oo maanta  ka bilaaban doomto diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle uu ka bilaawdo diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo labadiisa kuxigeenka.

Shalay ayaa Xubnaha gudiga doorashooyinka waxaa ay shaaciyeen natiijada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana lagu soo koobay muddo Saddex Maalin ah in lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Waxaa jira xubno farabadna oo isku soo sharaxay Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo isugu jira kuwa ku Cuusb siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda shaaciyay kamid ah.

1: Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle

2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq oo u sharaxan Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan oo isku soo Sharaxay Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Sidoo kale waxaa jira Xubno u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana jira musharax la sheegayo inay garab siinayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya, kaas oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Ammaanka Magaalada jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in Maalinta Arbacadaha ah hadii aan wax isbedelin in la qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post