792 Views

Madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle oo golaha Wasiirada maamulkaas kulan kula yeeshay B/weyne.

Madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle oo  golaha Wasiirada maamulkaas kulan kula yeeshay B/weyne.
____________________________________________________________________________

Sabti:Julay 3, 2021

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle oo ka kooban Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka HirShabeelle, kuwaas oo ku kala sugnaa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ayaa Wasiiradan ah waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee maamulka HirShabeelle, kuwaas oo horay u joogay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdigan Wasiirada HirShabeelle ayaa Magaalada Beledweyne u tagay  si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Wasiirada HirShabeelle beri, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xarunta gobolka kulan gaar ah kula qaatay, waxaana Magaalada Beledweyne laga dareemayaa u diyaar garoowga Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkaan looga hadlayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post