1491 Views

Muran ballaaran oo ka dhashay barnaamij cusub oo uu daah furay madaxa labada Xarameyn ee masaajidka Kacbada

Muran ballaaran oo  ka dhashay barnaamij cusub oo uu daah furay madaxa labada Xarameyn ee masaajidka Kacbada
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Muran ballaaran ayaa ka dhashay barnaamij cusub oo uu daah furay madaxa labada Xarameyn ee masaajidka Kacbada iyo midka Nebiya, Dr. Abdulrahman bin Abdulaziz Al-Sudais, kaasoo ku saabsan in qaab fogaal arag ah oo casri ah lagu taabto Xajarul-aswad-ka.

Qaabka taabashada male’awaalka ah ayaa loo adeegsanayaa qalab qofka indhaha loogu xirayo oo dareensiinaya sida in uu aad ugu dhawaaday dhagaxa madow, uuna u maleeyo qofku inuu taaban karo.

Barnaamijkan oo la billaabay Talaadadii ayaa dood weyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada ee waddanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta.

Mashruucan waxaa daah furay waaxda keydka dhaqanka iyo madxadyada, oo mataleysay maamulka guud ee keydka dhinaca dhijitaalka, iyadoo kaashaneysay guddiga labada masaajid ee barakeysan ee Xajka iyo Cumrada ee Jaamacdadda Umm Al-Qura.

Mashruucan ayaa looga gol leeyahay in la isticmaalo taabshada male’awaalka ah ee afka qalaad loogu yaqaanno virtual reality (VR)

Sheekh Al-Sudeys, oo ah Imaamka Xaramka, ayaa sheegay in “abuurista qaabka taabashada male’awaalka ah uu muhiim u yahay sidii loo suurtagelin lahaa in tirada ugu badan ee dadka ay taabtaan dhagaxa madow, sida ay si fasiix ah u arkaan, maqlaan, taabtaan, ama xitaa uriyaan, taasina ay wax weyn ka tareyso howlaha labada masjid ee barakeysan.

Hase yeeshee, dadka isticmaala baraha bulshada ee dunida Carabta ayaa ku kala qaybsamay arrintan, iyadoo qaarkood ay soo dhaweeyeen kuwo kalena si weyn uga soo hor jeesteen.

Maxay dhaheen kuwa taageeray?

Qaar ka mid ah dadka soo dhaweeyay mashruucan waxay sheegeen in arrintani ay dad badan fursad u siineyso inay booqdaan dhagaxa madow, ayna si fiican u arkaan.

Qoraallo badan oo ay dadkan soo dhigeen baraha uu ka mid yahay Twitter-ka ayay ku sheegeen in ujeeddada ugu weyn ay tahay sidii dadka Muslimiinta ah ee caalamka ku nool loo bari lahaa cilmi ku saabsan xajarul-aswad-ka, si ay u ogaadaan qaabka uu u eg yahay iyo cabirkiisa inta uu la eg yahay.

Maxay dhaheen kuwa diiday?

Dad badan ayaa kasoo hor jeestay arrintan, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo loo qaadayo in booqashada xajka guud ahaanba loo baddalo mid dhinaca online-ka ah.

Waxay sheegeen in mashruucan uu fagelin ku yahay dhinaca diinta.

Fayraska corona

Kaddib markii uu dillaacay fayraska corona, xajka sanadkan waxa ay dowladda Sacuudiga kusoo kordhisay mashaariic badan oo looga hortagayo faafitaanka cudurka.

Tirada dadka soo xajinaya ayaa la yareeyay, iyadoo tiro aad u yar oo dalal kala duwan ka kala imaanayay ay booqdaan xajka. Dadka loo fasaxayay xajka ayaa ahaa kuwa ku sugnaa gudaha dalka Sacuudiga oo keliya.

Sidoo kale Xarunta Qaran ee Xakameynta cudurrada ee Sacuudiga ayaa soo saartay shuruuc looga hor tagayo cudurka Covid-19, oo ay ka mid yihiin in la joojiyo taabashada kacbada iyo dhagaxa madow, in la xirnaado maaskaro iyo in qof walba uu saligiisa gaarka ah isticmaalo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post