543 Views

Shirkadii Dp-world oo laga Wareejiayay Gabi ahaanba Dekada Bosaaso iyo Deni oo Ka Hadlay

Shirkadii Dp-world oo laga Wareejiayay Gabi ahaanba Dekada Bosaaso iyo Deni oo Ka Hadlay
____________________________________________________________________________


Isniinfebruary 21, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in maamulka dekadda Boosaaso laga wareejiyay Shirkadda P&O uu tilmaamay in ay ku fashilantay wax ka qabashada iyo horumarinta dekadda.

Dekadda Boosaaso waxaa mudo sanado ah maamulkeeda gacanta ku hayay Shirkadda P&O oo hoostagta shirkada DP-World oo laga leeyahya dalka Imaraaadka , waxaana shirkaddan dhawwaan cabasho ka gudbiyay odayaasha dhaqanka magaalada Boosaaso.

Madaxweyne siciid Deni ayaa sheegay in maamulka dekadda boosaaso lagu wareejiyay shirkad cusub oo hoostagta isla DP-WORLD, waxa uuna xusay saamiga Puntland ku leedahay shirkaddaasi gaarayo 25% halka inta kale ay qaadaneyso Shirkaddaas laga leeyahay isutagga Imaaraatka Carabta.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in shirkaddan cusub looga fadhiyo in shaqo badan ka qabato dekadda magaalada Boosaaso gaar ahaan horumarinta iyo dib u hagaajinta Dekedda Boosaaso, dhammeystirka howlihii qabyada u ahaa shirakada la eryay ee P&O.

“Shirkaddii P&O port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay sidaas awgeed ayay la wareegtay oo waxa ay soo dirsatay shirkad cusub oo aan dib kasoo sheegi doono magaceeda, hirkadda abuurantay waxaa wada leh DP-World iyo Puntland, waxaana ku leenahay 25% inta kalena waxaa qaadaneysa DP-World, waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay wax badan ka qabato horumarinta Dekedda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Shirkadda P&O port ayaa ku fashilantay in isbadal muuqda oo dhinaca horumarka ah kusoo kordhiso dekadda Boosaaso, waxaana shirkaddan cabasho xooggan ka gudbiyay odyaaasha dhaqanka Boosaaso oo dalbaday in meesha loaga saaro.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post