657 Views

Telefishinka Pakistan oo sheegay in uu geerida saynisyahankii Nukliyeerka

Telefishinka Pakistan oo sheegay in uu  geerida saynisyahankii Nukliyeerka
____________________________________________________________________________

 Axad: October 10, 2021

Telefishinka Pakistan ayaa  Saacadahii hore ee saakay ku dhawaaqay geerida saynisyahankii Nukliyeerka Abdul Qader Khan, oo lagu tilmaamay inuu ahaa ninkii dhisay barnaamijka nukliyeerka Pakistan.

Mr Khan oo gudaha dalkiisa looga yaqaanno Aabahii Nukliyeerka Pakistan ayaa ku geeriyooday da’da 85 sano jir.

Injineer Abdul Qader Khan, ayaa markii ugu horeeysay la dhigay isbitaal milatari ka dib markii uu ku dhacay Fayraska Corona,  maalmo kadibna waxaa loo wareejiyay Gurigiisa markii dhaqatiirta ay shegeen in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagtay.

Xaaladiisa ayaa si lama filaan ah isu badashay xalay,  waqtigaas oo loola cararay Isbitaal, wax yar kadibna waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday mid kamid ah  isbitaalada ku yaalla Islamabad.

Markii Hindiya ay bilowday dhismaha Barnaamijkeeda  Nukliyeerka Sannadkii 1974-kii, ayuu Ra’iisul wasaarahii Pakistan Zulfikar Ali Bhutto,  u yeeray Cabdul Qader Khan, sannadkii 1975 -kii , isaga oo xiligaas ka yimid dalka Netherland, waxuuna u xilsaaray dhismaha Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan.

Sannadkii 1976-kii, ayuu  bilaabay Mr Khan inuu horumariyo Barnaamijka Nukliyeerka dalkiisa, isagoo ku guleeystay inuu dhiso dhowr Shaybaar si uu u horumariyo Barnaamijka Nukliyeerka.

Intii u dhaxaysay 18 -kii ilaa 21 -kii September, sanadkii 1986 -kii, ayuu Mr Khan markii ugu horraysay ku guleeystay dhismaha Nukliyeerka Pakistan, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Injineer Abdul Qader Khan, waxuu  Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan, ku dhammaystiray 6 sano, halka labaatan sano ay ku qaadato waddamada reer Galbeedka soo saarista Nukliyrrtka.

Radiomuqdisho.net

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post