1947 Views

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Beeniyey Faragalinta Doorasha Maamulkaasi

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Beeniyey Faragalinta Doorasha Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Nairobi, Nofeembar 27, 2018 –Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ahna ku simaha Madaxweynaha maamulkaasi ayaa beeniyay faragelin la sheegay in dowladda Federaalka ah ay ku heyso doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

C/Qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa sheegay in aysan jirin faragelin dowladda dhexe ku heyso degaanka Koofur Galbeed gaar ahaanna doorashada ka dhaceysa maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in ay hadda isku filanyihiin,Koofur Galbeedna uu ka jiro maamul leh Baarlamaan,madaxweyne KMG ah, gole wasiirro oo shaqeynaya iyo Guddi doorasho.

Waxaa kale oo uu C/Qaadir Shariif sheegay in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dhamaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka mid tahay Koofur galbeed xiriir fiicanna kala dhaxeeyo.

Waxaa uu meesha ka saaray eedaha la xiriira oin dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana uu xusay in wixii farsamo ah ee ay dowladda dhexe uga baahdaan weydiisan doonaan haddase ay iyagu isku filanyihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment