234 Views

Maurice Hasting, oo waxa 38 sano ku xirnaa xabsiga gobolka, iyadoo lagu soo oogay sanadkii 1983-kii dilkii, Roberta Wydermyer

Maurice Hasting, oo  waxa 38 sano ku xirnaa xabsiga gobolka, iyadoo lagu soo oogay sanadkii 1983-kii dilkii, Roberta Wydermyer
____________________________________________________________________________


Sabti: October 29, 2022

Maurice Hasting, ayaa waxa uu in ka badan 38 sano ku xirnaa xabsiga gobolka, iyadoo lagu soo oogay sanadkii 1983-kii dilkii, Roberta Wydermyer, ee ka dhacay gobolka California, iyo laba isku day dil.

Laakiin caddayn cusub oo dhanka hidde sidaha ah ee (DNA), ayaa taa beddelkeeda wuxuu soo saarey in nin kale oo ku dhintay xabsiga 2020-kii, uu ka danbeeyey dilka.

Hadda oo 69 sano jir uu yahay, Hastings, ayaa laga sii daayay xabsiga, kadib markii sanadkii 1988-dii la xukumay 20-kii bishii Oktoobar.

Xeer Ilaaliyaha Degmada LA, George Gascón, ayaa ku tilmaamay xukunkiisa mid “cadaalad daro aad u xun ah”.

“Nidaamka cadaaladdu ma ahan mid dhameystiran, marka aan ogaano cadeymo cusub oo keenaya inaan kalsoonida kala laabano xukun, waxaa waajib nagu ah inaan si deg deg ah wax uga qabanno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Roberta Wydermyer, ayaa laga helay qeybta danbe ee gaarigeeda oo ay hal xabbad dhanka sare kaga dhacday sanadkii 1983-kii. Markaa xili ka horeysay, ayaa loo gaystay faraxumayn.

Hastings, ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah, waxayna dacwad oogayaasha dalbadeen ciqaab dil ah.

Xeerbeegtida gaarta go’aamada lagu qaado dadka ka dib, xeerbeegti labaad ayaa xukuntay Hastings, waxaa lagu xukumay sanadkii 1988 xabsi daa’in qeybta dhanka maamul goboleedka, iyada oo aan loo oggoleyn in lagu sii-daayo cafis.

Wakhtiga la baarayo meydka dhibbanaha, gaar ahaan dhanka shahwada, ayaa waxaa la helay suuf. Hastings, ayaa waxa uu illaa iyo markii la xiray ku adkaystay in aanu wax dambi ah lahayn, balse codsi ku saabsan in baaritaan hidde side la sameeyo sannadkii 2000, ayaa waxa diiday qareenka degmada.

Ugu dambayntii, ayaa waxa uu awooday inuu u dacwoodo qeybta unugga dambi-la’aanta ee DA-da sanadkii 2021-kii, iyadoo baaritaanka DNA-da ama hidde sidaha bishii Juun lagu ogaaday in shahwadu aanay ahayn tiisa.

Xogta DNA-da ama hidde sidaha, ayaa waxay taa beddelkeeda ogaadeen inuu jiro nin lagu xukumay inuu geystay afduub hubaysan, halkaasoo ruuxii dhibbanaha intuu dilay, uu dhex galiyey markaa kadib baabuur.

Dhageysi maxkamadeed oo dhacay 20-kii Oktoobar, si dib looggu eego xukunkiisa, Hastings, ayaa u sheegay saxafiyiinta inuusan aheyn mid xanaaqsan, oo uu doonayo inuu ku raaxaysto inta ka dhiman noloshiisa.

“Sanado badan ayaan ku duceystay in maalintan ay mar un timaado,” ayay wakaaladda wararka ee Associated Press kasoo xigatay Hastings.

“Faraha dad kuma fiiqayo, mana ihi qof halkan taagan oo u careysan dad kale, laakiin waxaan rabaa inaan hadda ku raaxaysto noloshayda inta ka hartay.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post