867 Views

Madaxweyne Qoor qoor” Galmudug hubka ayaan ka xareynaynaa”

Madaxweyne Qoor qoor” Galmudug hubka ayaan ka xareynaynaa”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, islamarkaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug.

“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxaa uu tilmaamay in Amniga degaanada Galmudug lagu wareejin doono Ciidamo gaar ah oo ka amar ka qaata maamulka Galmudug, islamarkaana Shacabka laga doonaayo in ay taageero u muujiyaan.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in uu sii waddi doono kulamada kala duwan ee uu la qaadanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku aadan sugitaanka Amniga, dhismaha Dekedda Hobyo, iyo sidoo kale horumarinta Mashaariicda horumarineed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment