753 Views

Kylie Moore-Gilbert oo haysata dhalashada Britain iyo Australia oo Iran ugu xirnayd jaajuusnimo oo la siii dayay

Kylie Moore-Gilbert oo  haysata dhalashada Britain iyo Australia oo Iran ugu xirnayd jaajuusnimo oo la siii dayay
____________________________________________________________________________

.

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Aqoonyahanad haysata dhalashada dalalka Britain iyo Australia, oo Iran ugu xirnayd jaajuusnimo, ayaa sheegtay in dowladda dalkaas ay ka dalbatay in ay basaas u noqoto, intii ay ku xirneyd Tehran.

Kylie Moore-Gilbert ayaa sidoo kale muddo 7 bilood ah lagu hayey xarun gaar ah oo loogu gaystay “jirdil” taas oo ku kaliftay in ay ka fikirti inay is disho.

Waxaa lagu xiray Iran bishii Sebtember, sannadkii 2018-kii xilligaas oo lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Balse waxaa lagu sii daayay qorshe maxaabiis lagu kala wareegsaday bishii November ee sannadkii la soo dhaafay.

Wareysi ay siisay Sky News Australia, Moore-Gilbert waxay ku sheegtay in ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran ay “marar badan isku dayeen inay u noqdo jaajuus” si ay xoriyadeeda u hesho.

“Waan ogaa in sababta aysan wax wada xaajood ah oo macno leh ula galin Australia ee ku saabsan siideynteyda ay ahayd in ay doonayeen inaan u noqdo basaas, waxay doonayeen in aan ugu shaqeeyo iyaga jaajuus ahaan,” ayay u sheegtay Sky News Australia.

Waxay sidoo kale sharaxaad ka bixisay sidii ay dareemeysay intii ay ku xirnayd meel cidlo ah. “Waa jirdil dhanka maskaxda ah. Gebi ahaanba waad waalanaysaa. Waa wax aad u xun,” ayay tiri.

“Waxaan dareemay haddii aan u adkaysto maalmo kale. Waad ogtahay haddii aan awoodi lahaa in aan isdili lahaa. Laakiin dabcan weligay iskuma dayin, waligayna ma qaadin tallaabadaas,” ayay raacisay.

Markii ugu horeysay ee ay hadasho, waxay sheegtay in ay ka fiirsaneysay inay xabsiga ka baxsato, laakiin waxay tilmaamtay inay go’aansatay joojinta fikirkaas maadaama ay ku labisanayd dharka xabsiga. Waxayna ka baqeysay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la qabto.

Iran, sanadihii la soo dhaafay waxay xirtay tiro dad ah oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankooda lagu eedeeyay dambiyo jaajuusnimo ah.

Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dowlado ayaa xukuumadda tehran ku eedeeyay inay kiisaska u adeegsaneyso sidii ay uga faa’iideysan laheyd tanaasul ka imaaneysa dalal kale.

Qof ahaa Shaqaale samafal oo u dhashay Britain, asal ahaanna ka soo jeeda Iiran, Nazanin Zaghari-Ratcliffe, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo oogay dacwado basaasnimo, sanadkii 2016-kii.

Horraantii toddobaadkan, waxaa laga qaaday xukunkeedii shanta sano ahaa, in kastoo maxkamadeyn hor leh oo cusub loo qorsheeyay Axadda soo socota.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post