861 Views

Abaarta ka jirta Waqooyi Bari Kenya oo halis ku ah nolosha aadanaha iyo Xoolaha

Abaarta ka jirta Waqooyi Bari Kenya oo halis ku ah nolosha aadanaha iyo Xoolaha
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Qeylo dhaan ba’an, ayaa waxey kasoo baxeysaa deegaanada Reer Guuraaga ee Soomaalida ee dalka Kenya, iyo kuwa kale ee ku hareerysan ee ay ologa yihiin.

Qeylo dhaantan ayaa la xiriirta dhibaatada abaarta daba dheeraatey, ee ba’dey biyo iyo baad la’aanba, bani’aadamka, xoolaha iyo duurjoogta kalaba.

Waxaa jirta iney kal hore qeylo dhaan direen culumada iyo waxgaradka Gobolka Waqooyi bari Kenya, taasoo ku wajahneyd maamulka heer gobol iyo dowladda dhexeba.

Waxey sheegeen culumadani in ay soo gaarsiiyeen kaalmo kal hore maamulka Garissa iyo dowladda dhexeba, waloow aaney daboolin baahidii jirtey.

Haatan culumadii qeylo dhaanta sameysay kal hore, ayaa mar kale isugu soo ururtey magaalada Garissa.

Culumada isugu soo ururtey shirkani, waxaa kamid ah Sheekh Xasan Cabdullaahi Cameey, oo ah guddoomiyaha golaha Muslimiinta Kenya.

Wuxuu sheegay Cameey in xaaladda maalinba maalinta ka danbeysa iney kasii dareyso, isagoo tilmaamey in haatan halista u gudubtey dhanka dadka bani’aadamka.

Wuxuu carabka ku dhuftey in mar kale ay sameynayaan dalab ku aadan in gurmad deg deg ah oo balaaran lala soo gaaro dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wuxuu Alle ka baryey Sheekh Cameey in roobka uu soo dadajiyo, maadaama abaarta ay aad ugu daba dheeraatey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post