3636 Views

DAAWO SAWIRADA:- Ciidanka Booliska oo la wareegay qalab Dowladda Japan ay ugu deeqday

DAAWO SAWIRADA:- Ciidanka Booliska oo la wareegay qalab Dowladda Japan ay ugu deeqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2017 – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta la wareegay qalab Booliska loogu deeqay oo ka yimid Dowladda Japan oo ka mid ah Dowladaha taageera ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qalabkaan oo isugu jira gaadiidka Ciidanka ay isticmaalaan iyo Mootooyinka iyo qalab kale, waxaa la wareegay Taliyaha Ciidamada Booliska General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Wasiir ku xigeenka amniga.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay qalabkaan inuu muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, maadaama ay u baahan yihiin, sidoo kalena wax weyn ay ka tari doonaan shaqada ciidanka Booliska.

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo ka hadlay halkii qalabkaan Ciidanka ay kula wareegeen, ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay ka mahadcelinayso tallaabada Dowladda Japan qalabkaan ay ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Booliska

Booliska-1

Booliska-2

Booliska-3

,

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment