441 Views

K/Afrika Shacab careysan oo boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah

K/Afrika  Shacab careysan oo boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shacab careysan ay boobeen dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah kaddib markii sida la sheegay nin ajanabi ah uu dilay will 15 sano jir ah.

Rabshadaha ayaa inta badan ka dhacay agagaarka tuulada Schoonoord (iskuunood) ee hoostagta magaalada Jane-Furse (Jeenfoos), halkaasi oo lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ajaabiin u badan reer Pakistan.

Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay Soomaalida gobolkaasi kaddib markii warbaahinta qaranka ee SABC ay ninka dilka geystay ku sheegtay in uu u dhashay dalka Soomaaliya haseyeeshee ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ayaa arrintaasi beeniyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post