1041 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee Howlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee Howlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 202

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha mudane Maxamed Aadan Macallin, kuwaas oo uu dhawaan xilalkooda isku shaandheeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Howlaha guud oo ay ka qeyb galeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka , Xildhibaanno, madax ka socotay xafiiska Hanti-dhowrka iyo Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ayey ugu horeyn Agaasimaaysha Guud ee labada Wasaaradood ku soo bandhigeen macluumaad ku saabsan wax qabadka labada Wasiir muddadii ay xilalka kala hayeyn.

Wasiirka Cusub ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa xusay in muddadii uu hayey xilka Wasaradda Howlaha Guud ay u suurogshay dardargelinta howlaha baaxada leh ee looga fadhiyay Wasaaradda, sida mashaariicyo kala duwan oo dhanka dhismaha ah, maadaama uu dalku u gudbay marxalada dib u dhiska, loona baahanyahay in horumarin lagu sameeyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dib loo dhiso xaruumaha dowladda.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo horey u ahaa Wasiirka Xanaanda xoolaha dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa ugu horeyn ballanqaaday inuu sii laba jibaari doono shaqada hufan ee uu Qaranka u hayo, wuxuuna dhinaca kale xusay in muddadii uu joogay ay ku guuleysteyn inay sare u qaadaan dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo sanadkii hore gaaray Seddex Milyan iyo Boqol kun oo aysan ku jirin xoolaha xajka, Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay inay u suurogashay in dowladda Sacuudiga kala heshiiyaan In hada wixii ka dambeeya ay si joogta u dhoofsadaan Xoolaha Soomaaliya, iyadoo aysan jiri doonin wax shuruud ah marka laga soo tago in la Talaali doono Xoolaha, islamrakaana ay rajeenayaan inuu Sacuudiga sanadkiiba dhoofsan doono ku dhawaad Lix Milyan oo neef, taas oo fursad weyn u noqon doonta Xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed oo xilalka ku kala wareejiyay Labada Wasiir ayaa kula dardaarmay inay sii kordhiyaan shaqada ay Qaranka u hayaan maadama labada Wasaarood ay ka midyihiin kuwa dalka ugu muhiimsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post