3198 Views

Mareykanka oo ballaariyay saldhigga Balli doogle

Mareykanka oo ballaariyay saldhigga Balli doogle
____________________________________________________________________________

Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay Saldhigg  Ciidanka Cirka ee Balli doogle kuna yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Wargeyska  Vice News ,aballaariyay Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana warbixinta xustay in ujeedado tahaya la dagaallanka Argagixisada waxa uu u yaqaan Mareykanka.

Saxafiyadda warbixinta qortay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka Milleteriga Ballidoogle oo loo rogay saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax yaal saldhigga waxaa lagu diyaariyay inka badan 800 oo sariirood,in kabadn 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana fatilayaa in sariirahaas ay jiifsadaan askar iyo saraakiil American ah.

Melleteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn Saldhigyada milleteri ee Qaaradda Afrika marka laga reebo saldhigyadiisa kuyaalal Jabuuti iyo Niger.

Qandaraaslayaal  Melleteri oo American ah ayaa Vice News u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billaawday Bishii January 2017.

Saldhiggan waxaa markii sii hore sameeyay Midowgii Soviet-ka ee Russian Federation,waxaana hadda horumarin iyo dib u dayactir ku haya qandaraalayaal Mareykan ah.

Saraakiisha AFRICOM ee ku sugan wadanka Jabuuti ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ballaarinta saldhigga Balli Doogle balse Qandaraaslayaasha Milleteri ee ka qeyb qaatay dhismaha saldhiggan qarsoodida ah ayaa xaqiijiyay in uu jiro dhaq dhaqaaq xooggan oo Mareykanku ku doonayo in uu ku xoojiyo howlgallada uu ka wado Soomaaliya.

Markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump,waxaa uu Mareykanka,Soomaaliya ka geystay 48 weerar oo dhinaca cirka ah,waxaana uu sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka wado Soomaaliya.

Askari ka mid ah Soomaalida joogta Balli Doogle ayaa u sheegay Vice News in Maalin kasta ay diyaarado dagaal ka dhoofaan kuna degaan Garoonka kuwaas oo ay leedahay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in markii ugu horreysay Ciidamo gaaray 500 oo Mareykan ah ay joogaan dhulka,kuwaas oo meelaha qaar kula dagaallama Al-shabaab la taliyayaal dhinaca amaanka ahna u ah AMISOM iyo dowladd Soomaaliya.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay maalgelisay dib u dhiska iyo ballaarinta lagu sameeyay Balli doogle,waxaana heerka ballaarinta lagu sheegay labo jibbaarka intii uu ahaa markii hore.

2006dii howlgallada Mareykanka ee Caalamka Afrika waxaa ay ka hayd kaliya 1%,halka 2017 ay gaartay 17%,taas oo ka dhigan sida Mareykanka sare ugu qaaday howlgalkiisa Qaaradda Afrika.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment