375 Views

Raysal wasaaraha Itoobiya oo Jabhadda Xureynta Oromada ee OLF ku eedeeyey iney markale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaasi.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo  Jabhadda Xureynta Oromada ee OLF ku eedeeyey iney markale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaasi.
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Jabhadda Xureynta Oromada ee OLF ku eedeeyey iney markale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaasi.

Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay wuxuu sheegay Jabhadda OLF iney dad ku xasuuqeen galbeedka deegaanka Oromada.

Hase yeeshee, Abiy Axmed farriintiisa ma soo raacin tirada dadka uu sheegay iney Jabhaddu ‘xasuuqday.’

Hase yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ee ‘BALDARAS’, wuxuu sheegay tuulooyin ku yaalla galbeedka deegaanka Oromada iney Jabhadda OLF maanta ku xasuuqday boqollaal qof oo rayad ah.

Laba toddobaad ka hor deegaanka Gimbi ee ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo qowmiyadda Amxaarada ka soo jeeda.

IDowladduna tirada dadka halkaasi lagu dilay waxay ku sheegtay 330 qof, halka ay ila wareedyo madax bannanna tirada dhimashada ay gaarsiinayaan 600 oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post