48 Views

Guddiga dib u eegista dastuurka BFS oo kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah

Guddiga dib u eegista dastuurka BFS oo kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay  qodob qodob,  iyagoo hubinayey habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post