1143 Views

SAWIRO: Kheyre oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda Caabudwaaq

SAWIRO: Kheyre oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

Caabud waaq  | QOL | Juun 29, 2019-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa degaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Caabud waaq

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment