864 Views

Feysal Cali Waraabe “ Dadka Muqdisho dagan iyagaa is dhigay meesha ay joogaan maanta, cadawna gacanta u geliyeen taladooda Daawo Muqalka

Feysal Cali Waraabe “ Dadka Muqdisho dagan iyagaa is dhigay meesha ay joogaan maanta, cadawna  gacanta u geliyeen taladooda  Daawo Muqalka
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay xaalada Somaliya gaar ahaan dhacdadii foosha xumeed ee maalintii jimcaha ahayd ka dhacday magaalada Muqdisho.

 Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii Jimcihii ka dhacay caasimadda Muqdisho, isagoo aad u eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

“Dadkii reer Muqdisho ee lagu xasuuqay banaanbaxa ay dhigayeen waxaa leeyahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.”

“Waxaan leeyahay idinkaa waxaan isugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u geliyey, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay war tashada, meel kale oo maanta Farmaajo xukumo ma jirto ee iska xoreeya ayaan idin leeyahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland

Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Daawo Muuqaalka Hoos

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post