1500 Views

Xisbiga Jamhuuriyiinta oo xilka ka xayuubiyey Liz Cheney

Xisbiga Jamhuuriyiinta oo xilka ka xayuubiyey Liz Cheney
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xilkii ay ka heysey hoggaanka xisbigeeda ka qaadey Liz Cheney, kadib markii ay dhaleeceysey madaxweynihii hore Donald Trump oo doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee bishii November 2020 ku tilmaamey mid lagu shubtey.

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa Arbacada maanta ah u codeeyey in xilkii ay xisbiga ka heysey laga eryo gabadhan uu dhaley madaxweyne ku x-igeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney, xilkeeda ayaa ahaa kan sedexaad ee ugu sarreeya xisbiga dhexdiisa oo ah inay fariinta xisbiga u gudbiso bulshada.

Cheney oo ah wakiilka kaliya ee uu leeyahay gobolka Wyoming ayaa si aan gabasho laheyn u diidey sheegashada Trump ee aheyd in uusan musharixii xisbiga Demoqraadiga Joe Biden ku guuleysan doorashada, balse uu isagu guusha heley oo uu yahay guuleystaha sharciga ah, inkastoo uu ku guuldareystey ololeyaal dhowr ah iyo dacwooyin maxkamadeed.

Cheney ayaa xiisad ka dhex dhalisey xisbigeeda ka dib markii ay u codeysey in la soo gole joojiyo Trump laguna maxkamadeeyo doorkii uu ku lahaa weerarkii lagu qaadey Congress-ka bishii January lixdeedii, markaasoo boqolaal taageerayaasha Trump ah ay weerareen xili ay socotey ansixinta codadka gobollada Mareykanka ee doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post