2520 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ugu baaqay Puntiland iyo Somaliland in ay joojiyaan dagaalada ka dhexeeya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ugu baaqay Puntiland iyo Somaliland in ay joojiyaan dagaalada ka dhexeeya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  May 21 2018 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma Baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo Cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad sidoo kale ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceynbkaa iyo Cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah..

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment