1014 Views

Xildhibaannada golaha shacabka oo goordhow loo diray fariin lagu wargelinayo in ay beri oo sabti ah ay soo xaadiraan kalfadhiga golaha shacabka

Xildhibaannada golaha shacabka oo  goordhow loo diray fariin lagu wargelinayo in ay beri oo sabti ah ay soo xaadiraan kalfadhiga golaha shacabka
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Waxaa caawa  Fariin loo diray Xildhibaannada golaha shacabka oo  lagu wargelinayo in ay beri oo sabti ah ay soo xaadiraan kalfadhiga golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la filayaa inuu hortago madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona xildhibaannada u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada uu xiligan marayo dalka iyo khalalaasihiii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Fariinta loo diray xildhibaannada ayaa u qorneed sidan:-.

“M.ne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 1da MAY, waxaa jira Kulan Gaar ah.
Agendaha

  1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS
    Saacadu waa 09:00 subaxnimo.”.

Shaki badan ayaa laga muujinayaa kulanka beri ay yeelanayaan xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana uu ku hortagayo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Xildhibaannada golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay beri ka laabtaan go’aankii ay dhawaan ku meelmariyeen sharciga Jiheynta doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post