321 Views

Hoggaamiyaha Iraan oo walwal ka muujiyay in xukunta laga tuuro

Hoggaamiyaha Iraan oo walwal ka muujiyay in xukunta laga tuuro
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Sayid Ali Hosseini Khamenei ayaa maanta sheegay in cadawga Iraan ay wadaan kacdoono ay ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan dowladda Islaamiga ah.

“Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabaan in ay dharbaaxo ku dhuftaan dalka Iraan waxay ku salaysan tahay hurinta mudaaharaadyada, Laakiin xisaabta cadawgu way ka khaldantahay sidii kuwii hore oo kale,” ayuu Khamenei ku yidhi khudbad uu telefishanka ka jeediyay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa Iraan iyo Israa’iil, sidoo kalena ay taagan tahay xiisadda ku xeeran heshiiska Iraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post