1464 Views

Wasiir Maareeye Oo soo saaraysa Go’aano Adag

Wasiir Maareeye Oo soo saaraysa  Go’aano Adag
____________________________________________________________________________

Wasaaradda ganacsiga iyo Warshaddaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa in dalka laga dhoofiyo Waxyaabaha ay Mamnuucday dowladda Soomaaliya, sidoo kalena dalka lasoo galiyo waxyaabo aan tayo la aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay soo saarista Shuruuc adag looga hortagaayo dhoofinta Dhuxusho oo horay loo Mamnuucay.

Maareeye waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya dhuxusha si joogto ah loo dhoofiyo in ay keentay in dowlad xooggan oo dalka oo dhan Kontarooli karta in aysan dalka ka jirin.

Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka ayuu sheegay in ay dhawaan horkeeyn doonaan Sharciyo xadida dhoofinta dhuxusha iyo ciqaabta kuwa ka ganacsadda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment