2292 Views

Guddoonka Labadda Aqal oo kulan uga qeygalay Muqdisho

Guddoonka Labadda Aqal oo kulan uga qeygalay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 20, 2019 –Kulankan ayaa waxa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka federaalka soomaaliya waxaana labada aqal ee baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaala iyo sidii ay gacan u siin lahaayeen hay,adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.

Guddoonka labada aqal iyo gudiga dib u eegista,la socodka iyo hirgalinta dastuurka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ku dheeraaday muhiimada baarlamaanka uu shuruucdu u leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo.

Madaxda hay,adaha ka shaqeeya Arrimaha baarlamaanada iyo Safiirada wadamada Switserland iyo Norwey ayaa dhankooda sheegay in ay gacan ka siin doonaan baarlamaanka federaalka soomaaliya sida ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Gaba gabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2aad golaha aqalka sare BFS Sen, Mowliid xuseen guhaad waxa uuna sheegay in kulan uu aqalka sare muhiin u yahay maadaama uu yahay aqal cusub.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u mahad celiyay hay,adaha ka shaqeeya garab siinaa baarlamaanada iyo Safiirada Dalalka Switzerland iyo Norwey sida ay ula shaqeeyaan baarlamaanka.

Kulanka waxaa ku sugnaa gudoonada labada aqal baarlamaanka Dalka gudiga dib u eegista, la socodka iyo hirgalinta dastuurka baarlamaanka soomaaliya Xafiiska UNSOM,Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP Dowladaha Switzerland iyo Norwey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment