621 Views

Masuuliyiin ka socotay Degmada Kaaraan oo isbitaalka ku booqday Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmadaasi.

Masuuliyiin ka socotay Degmada Kaaraan oo isbitaalka ku booqday Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmadaasi.
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Masuuliyiin ka socotay degmada Kaaraan ayaa xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday Taliyaha Booliska degmada kaaraan oo shalay ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa maamulka isbitaalka kala hadlay xaaladda Taliyaha, iyagoon u shegay in ay tahay mid kawanagsan sidii ay aheeyd shalay.

Intaasi kadib masuuliyiintii Soo Booqday Taliyaha kana socotay Degmada Kaaraan ayaa Cafimaad Degdeg ah Allah uga baeyay, Dhawaca Soo Garay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Kaaraan.

Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada kaaraan  Salad Caraale ayaa shalay dhaawac kasoo gaaray Qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday oo ku socdaalayay Xaafadda Masjidka Turkiga  ee degmada Kaaraan, Waxaana masuuliyiin Isbitaalka Madiina ay shegeen in xaaladda Taliyaha ay tahay mid wanaagsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post