234 Views

Digniin laga soo saaray ilaa far sharoobbo kaddib markii WHO ay sheegtay in lala xiriirinayo dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia.

Digniin laga soo saaray ilaa far sharoobbo kaddib markii WHO ay sheegtay in lala xiriirinayo dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia.
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray ilaa far sharoobbo, kaddib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay sheegtay in lala xiriirinayo dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia.

Sharoobbooyinka oo ay soo saartay warshadda Maiden Pharmaceuticals oo ku taalla Hindiya ayaa la sheegay inay dhaawac halis ah u gaysan karaan kelyaha.

Warshadda ilaa hadda wax war ah kama aysan soo saarin arrinta.

BBC-du waxay isku dayday inay xiriir la sameyso si ay jawaab uga hesho warshadda.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay inay waydiisteen WHO inay la wadaagto caddeyn isku xireysa sharoobbooyinka iyo dhimashada.

Magacyada sharoobbooyinka ay WHO xustay waxay kala yihiin Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post