60 Views

Dukaammo dhowr ah oo ku burburay dab qabsaday suuqa Bakaaraha

Dukaammo dhowr ah oo ku burburay dab qabsaday suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Dab geystay khasaarooyin kala duwan ayaa saaka qabsaday dukaammo dhowr ah oo ku yiillay Suuqa Bakaara ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo saaka la sheegay in uu ka kacay ama ka dhashay fiilooyinka korontada ayaa sababay burburka hanti u badfan dhar iyo qalab.

Kooxda dabdamiska ee gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta xakameeyay dabkaasi qabsaday dhowr dukaan eek u yiillay suuqaasi.

Illaa sadex dab-damis iyo laba booyadood ayaa ka qeybgalay daminta dabkaan oo burburiyay dukaammo dhowr ah oo ku yiillay qeybta carwiiynka dharka ee suuqaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa dowladda ka codsaday in la furo waddooyinka gala suuqaasi ,kadib markii gawaarida dab-damiska ay saakay dhibaatooyin kala kuleen xirnaanshaha waddooyinkaasi .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post