624 Views

Madaxweynaha Koofur Afrika oo loo heysto in uu qariyay $4 Milyan oo laga xaday beertiisa.

Madaxweynaha Koofur Afrika oo loo heysto in uu qariyay $4 Milyan oo laga xaday beertiisa.
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Waxaa bannaanka usoo baxday eedeyn ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa oo ah in uu qariyay lacag dhan $4 Milyan oo dollar oo Kaash ah oo laga xaday Beertiisa.

Ramaphosa ayaa loo heystaa dambi ku saabsan sababta uu u qariyay lacagtaas laga xaday Beertiisa oo ku taalla Waqooyiga Gobolka Limpopo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhaw ula socday dacwaddaan.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in uusan dafirin balse uu ku wargeliyay Madaxa qaybtiisa ilaalada gaarka ah oo isaga qaadanaya mas’uuliyadda qarinta maadaama uusan u sheegin Booliiska oo falkaas baaris ku sameyn lahaa isla waqtigaas.

“Waa sharci darro in falkaas aanay loo sheegin Booliiska oo ah Hay’adda shaqada ku leh in ay daba-gasho si ay usoo qabato Dadka qaatay lacagta maqan, xatooyadaas waxa ay dhacday Febaraayo 2020“ Sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Dowladda Koofur Afrika.

Falkaan Xatooyada ah ayaa dhacay mar uu Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu ka qaybgalayay Shir madaxeedkii Midowga Afrika ee Addis Ababa ku qabsoomay 2020kii, Dhowr Xisbi oo ah kuwa mucaaradka ah ayaa soo jeediyay baaris dheeraad ah oo lagu sameeyo.

Isbaheysiga Dimuqraadiga oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Koofur Afrika ayaa Maxkamadaha awoodda u leh qaadista kiiskaan u soo jeediyey in Madaxweyne Ramaphosa uu iska beri-yeelo eedaha ku hareeraysan Xafiiskiisa ee la xiriira Xatooyada & sababta loo qariyay.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post