1335 Views

Ururka Suxufiyiinta Qaranka oo Caburin ku eedeeyay dowladda

Ururka Suxufiyiinta Qaranka oo Caburin ku eedeeyay dowladda
____________________________________________________________________________

MadMuqdisho | QOL | May 04, 2019 –Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida lagu haayo Caburin , islamarkaana loo baahan yahay in arintaasi si deg deg ah wax looga qabto.

 

Waxaa uu sheegay in warbaahinta Soomaalida ay qaati ka taagan yihiin Xafiisyadda dowladda oo uu sheegay in ay doonayaan in la sii daayo warar ay soo tafaftireen oo ay soo habeeyeen.

Xoghayaha ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida ay xaq u leedahay in waxa ay u baahan yihiin bulshadda Soomaaliyeed in ay baahiyaan , laakiin aysan baahin waxa ay jacel yihiin Mas’uuliyiinta dowladda.

 

Macalimuu ayaa warbaahinta Soomaalida ugu baaqay in ay joojiyaan wararka bahdilaada ah ee laga soo diro Xafiisyadda dowladda ee aan loo ogoleyn warbaahinta in ay si hufan uga hadlaan baahintooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment