1176 Views

Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo la wareegay degaan u dhow Dhuusamareeb .

Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo la wareegay degaan u dhow Dhuusamareeb .
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Ciidamada dowladda Soomaaliya gar ahaan guutada 15aad ee ku sugan gobolka Galgaduud oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa howlgal ku qaaday degaanka Sina-dhaqo oo Koonfur kaxiga Magalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka diyaaradha Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ayaa sheegay inay guud ahaan  Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Sina-dhaqo ee Koonfurta Magalada Dhuusamareeb, isla markaana dagaal kooban oo ka dhacay ay khasaaro ku gaasriiyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in degaanka Sina-dhaq ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan , isla markaana la wareegitaankaan uu muhiim u yahay amniga Magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn saraakiisha  Guutada 15aad waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan, iyaga oo kaashana Ciidamada jabuuti ee AMISOM ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga degaannada ku dhow dhow Magaalada Dhuusamareeb

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo la wareegay degaan u dhow Dhuusamareeb .____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post