2700 Views

RW Kheyre oo wasiirad Khadra wax ka weydiinaya warqaddii lagu baabi’yay Rugta Ganacsiga

RW Kheyre oo wasiirad Khadra wax ka weydiinaya warqaddii lagu baabi’yay Rugta Ganacsiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga carooday go’aankii shalay ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Xukuumadda Somaliya, taasi oo lagu sheegay in la baabi’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliyed.

Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Somaliyed oo qayb ka ah Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka madax banana Wasaaradda Ganacsiga Somaliya, sida ay sheegeen masuuliyiinta Rugtan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xalay fiidkii waxaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Rugta Ganacsiga oo u gudbiyay dacwada ku aadan hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliya, waxaana la sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu u muujiyay madaxda Rugta ganacsiga sida uu uga xun yahay ficilka dhacay.

Wasiirka Ganacsiga Somaliya Khadra Axmed Ducaalle oo ka maqan Magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa maanta Duhurkii inay soo gaarto Magaalada, kadibna kulan ay la qaadato Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Shalay ayaa masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliyed waxa ay Warbaahinta ka sheegeen sida ay ula yaabeen go’aanka Wasaaradda ka soo baxay oo xittaa ay sheegeen in aanan Xafiiskooda la gaarsiin oo Warbaahinta kaliya ay ka maqleen.

Shalay markii uu Wasaaradda Ganacsiga ka soo baxay go’aanka ku aadan in la baabi’iyay Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Somaliyed, ayaa masuuliyiinta Wasaaradda xitaa aysan jirin cid Saxaafadda u akhrisay go’aankaasi, kaliyana Warbaahinta loo dhiibay Warqadda go’aanka.

Warqadda ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu baabi’iyay Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’islawasaaraha Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment