3789 Views

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho.

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 January, 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley galab dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Kismaayo kaga soo qeybgaley Madasha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayey nooca doorasho ee dalka ku habboon.

Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Wadatashiyada madaxda ayaa lagu wadaa in dhowaan ay halkoodii ka sii socdaan sii loo helo aragti mideysan oo ku saabsan doorashada ka dhacaysa dalka sannadkan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment