741 Views

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray  wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo  hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow  inay yeeshaan Wasaaradda iyo  Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post