2433 Views

Xagee ku danbeeyay cigtiraafkii Somaliland

Xagee ku danbeeyay cigtiraafkii Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 4, 2018 – Loolanka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka goobo badan ayuu u talaabay oo dalalka shisheeye ah, gaar ahaan loolanka ka jira gobolada waqooyiga Soomaaliya, bulshada waqooyiga Soomaaliya waxay ku kala qaybsan yihiin aragtida gooni isu taaga maamulka Somaliland, taageerayaasha fikirka gooni isu taagu waxay goob walba ka raadiyaan taageero si loo aqoonsado “Maamulka Somaliland”.

Dhawaan gole deegaan oo ka jira magaalo Clarkson ee gobolka Georgia ee cariga Maraykanka ayaa taageerayaasha fikirka gooni isu taagu waxay ka heleen aqoonsi uu golahaas magaaladaas ka jiraa aqoonsado “Maamulka Somaliland”.

Waxaa iyaguna ka daba qaatay isla bulsho ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya

Shalay oo taariikhdu ahay Talaadda, October 3, 2018.
Magaaladda Clarkson ee Gobolka, Georgia ee duleedka magaaladda weyn ee Atlanta ee dalka Maraykanka ayaa isla guddoomiyihii sheegay in uu aqoonsaday “Maamulka Somaliland” wuxuu go’aankiisii hore ku tilmaamay mid loogu il-duufay “Somaliland” kaas oo uu ahaa September 4, 2018 oo uu ku aqoonsaday “maamul goboleedka Somaliland”.

Duqa Magaaladda Mayor Edward “ Ted” Terry ayaa yiri waa ka xumahay go’aankayagii bishii hore wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, khalad ayeyna nagu ahayd, inaan faraha la galno midnimadda Soomaaliya, Dowladda Soomaaliya waxaa aqoonsan Dowladda Maraykanka, United Nation, African Union, Arab League iyo Ururka Waddama Muslimka ah. Mayor Edward ayaa sheegay inuu dhawaan la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Clarkson wakhtigii doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana kale oo goobta ka hadlay qaybo ka mid ah bulshadii Soomaaliyeed oo isugu jira Ragg iyo Haween ee degan magaaladda Clarskon, waxay ka hadleen taariikhda dheer ee Soomaaliya iyo sida ay lama taabtaan u tahay midnimadda dalka Soomaaliya, waxay ka sheekeeyeen midnimadda Soomaaliya iyo sida dadka Soomaaliyeed aynan ukala go’i karin marnaba.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment