726 Views

Weerarrada cirka ah ee Israel iyo Hamaas oo galay maalintii lixaad xaalada oo aad u adag

Weerarrada cirka ah ee Israel iyo Hamaas oo  galay maalintii lixaad xaalada oo aad u adag
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Weerarrada cirka ah ee Israel iyo gantaalada Hamas ayaa galay maalintii lixaad, iyadoo aysan muuqan rajjo laga qabo in hadda la gaaro xabad joojin deg deg ah, si loo dhammeeyo colaadda u dhaxeya labada dhinac.

Diblamaasiyiinta Carabta iyo Mareykanka ayaa isku dayaya in xaaladda la qaboojiyo, ka dib habeen ay rabshado iyo duqeymo hareeyeen oo ay xalay ku waabariisteen dadka Falastiiniyiinta iyo Israel, ka gadaal markii ay Israel sii xoojisay bambaanooyinka ay ku garaaceyso waqooyiga Gaza, halka ururka Hamas ay ugu yaraan 200 oo gantaal ku tuureen magaalooyinka Israel.

Weerar cirka ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur. Weerar kale ayaa waxaa isna ku dhintay ugu yaraan laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Jimcihii, rabshadaha u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa sii xoogeystay ka dib markii uu dagaal ka qarxay Daanta Galbeed xilli ay socdaan duqeymaha diyaaradeed ee Gaza iyo xasillooni darro ay Carabtu ka dhex bilaabeen gudaha Israel.

Qeybaha ka tirsan Daanta Galbeed, boqolaal Falastiiniyiin ah iyo booliiska Israel ayaa isku dhacay, iyadoo ay Falastiiniyiintu tuurayeen dhagxaan islamarkaana gubayeen taayaro , waana mudaaharaadyadii ugu weynaa ee muddo dhowr sano ah ka dhaca gobolka.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo wariyay in 11 Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshadaha.

Gudaha Israel-na, rabshado u dhexeeya Yuhuudda iyo Carabta ayaa habeenkii afaraad ka socda magaalada Lod.

Magaalada Gaza-na, Israel ayaa ciidamo dhulka ah dhoobtay xadka ay la wadaagto Marinka Gaza ee ay Falastiin maamusho, taas oo sii kordhineysa cabsida laga qabo in rabshadaha 5-ta maalmood jirsaday ay isku beddelaan dagaal toos ah.

Afhayeen u hadlay militariga Israel, Lieutenant Colonel Jonathan Conricus, ayaa sheegay in diiradda Israel ee weerarka Gaza uu yahay godadka dhulka hoostiisa mara ee ay Xamaas dhistay sanadihii la soo dhaafay. Israel ayaa sheegtay in ay banneyneyso godadka dhulka hoostiisa mara ka hor inta aysan ciidankeedu qaadin duulaan dhulka ah.

Qiyaastii 9,000 oo ah ciidamada keydka ku jira ee Israel ayaa loogu yeeray in ku biiraan ciidammada kale ee ku sugan xadka.

Sheikh Cikrima Sabri, oo ahaa khaddiibka salaaddii Jimcaha ee Masjidka al-Aqsa, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dhowr mar lagu xadgudbay muqaddasnimadii masaajidka intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadan, wuxuuna ku tilmaamay xadgudubyada noocan ah kuwo “aan horay loo arag” tan iyo sanadkii 1967-kii oo uu dhacay dagaalkii lixda maalmood ee u dhexeeyay Israel iyo Carabta.

Dagaalkaas ayay Israel ku qabsatay Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, halkaasi oo uu ku yaallo masaajidku, iyo dhulal kale oo weli si weyn ay labada dhinac ku muransan yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post