1059 Views

Sa’uulo dhowr ah oo laga keenay Warbixintii NISA ee Qarixii Ex-Koontorool

Sa’uulo dhowr ah oo laga keenay Warbixintii NISA ee Qarixii Ex-Koontorool
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa Su’aalo dhowr ah uu ka keeney Warbixintii ay maanta soo saartey Hay’adda NISA oo ay dal Shisheeye ku eedeysay qarixii ka dhacay ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook ayuu ku sheegay in qoraalkana uu yahay mid siyaasadeysan oo saameyn ku leh loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeya,isaga oo Afar Su’aalood ka keenay Warbixintaas.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

 

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

 

  1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

 

  1. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

 

  1. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

 

  1. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

 

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

 

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

 

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment