897 Views

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Austria

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Austria
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 3, 2020 –Weerar toogaasho oo saf-mar ah ayaa lagu qaaday meel u dhow kaniisada Yahuudu ku leedahay Magaalada Vienna  ee dalka Austria, iyada oo faah faahin laga helayo weerarkaas.

Ilaa 7 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga uu weerarka dhacayay.

Warar horu-dhac ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay ay wehliyeen rag kale oo ismiidaamiyay.

Mas’uuliyiinta dalka Austria ayaa sheegay inuu baxsaday ugu yaraan hal qof oo weerrar soo qaaday, isla markaana ay ciidamadooda baadi-goob ugu jiraan dadkii falkaasi ka dambeeyay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post