951 Views

Shabeelle & DDS oo heshiis ka gaaray Colaad Beeleedyo

Shabeelle & DDS oo heshiis ka gaaray Colaad Beeleedyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 22, 2020-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee is Maamulka Somaalida Itoobiya aadan Axmed Sooyaan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada maamul ayaa hehsiis horudhac ah ka gaaray Colaad beeleed ka dhacay degmada feefeer oo ku taalla Xadka Gobolada Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Mas’uuliyiinta labada Maamul ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Odayaasha Dhaqanka labada Beelood,saraakiil ka kala socda Maamulka Hir-Shabeelle iyo Dowlad deegaanka Soomaalida,waxaana ay ku guuleysteen in xal laga gaaro dagaal beeleedkaas.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in aysan jirin qodobo rasmi ah ah oo kasoo baxay kulamadooda sababo la xiriira dhinaca Maamulka DDS,hayeeshee xal laga gaaray Colaad beeleedkii ka jiray degaanka Degaanka Abaaley oo u dhow xadka labada Dal.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee is Maamulka Somaalida Itoobiya aadan Axmed Sooyaan ayaa dhankiisa sheegay in wada-hadalladaan ay yihiin kulankii koowaad,hayeeshee ay jiri doonaan kulamo kale oo xal looga gaarayo,isla markaana ay rajo weyn ka qabaan in dadka walaalaha ah ay si nabad ah kuwa noolaadaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiri doonaan kulamo kale oo dib la isugu soo laaban doono si loo dhameystiro heshiiska hordhuac ah ee la kala dhex-dhigay labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay Nawaaxiga Degaanka Abaaley oo ku yaalla Xadka Gobolada Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post