1017 Views

SAWIRO:-Kulamo lagu xalinaayo xiisada ka taagan Somaliland oo bilaawday

SAWIRO:-Kulamo lagu xalinaayo xiisada ka taagan Somaliland oo bilaawday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta ka bilaawday kulamo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhex-galay Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI iyo madaxda sare ee Soomaaliland kaas oo qalqal siyaasadeed ka abuuray Soomaaliland.

 

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo madaxda xisbiga UCID ayaa waxaa ay kulan la qaateen madaxweyne ku xigeennadii hore ee Somaliland,kaas oo looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka jira.

 

 

 

Xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa ay sheegeen inay qalad tahay tallaabada xukuumaddu ku joojisay isu soo baxyada xisbiga,sidoo kalena kula wareegtay xarumaha guud ee xisbiga.

 

Waxaa kaloo kulanka lagu cambaareeyey xariga Xukuumadda Somaliland u geystay masuuliyiinta ka tirsan Xibiga WADANI oo ay kamid yihiin xoghayiha guud, afhayeenka xisbiga iyo masuuliyiinta gobollada qaarkood.

 

Ugu dambeyn saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Xisbiyadu ay la kulmaan Culumada ku nool Hargeysa iyo Ganacsatada si ay door uga qaataan xalinta khilaafka.

 

Si kastaba maalin ka hor markii Guddoomiyaha xisbiga Mucasradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku dhawaaqay isu soo baxyo ayaa waxaa xasarada kala duwan ay ka bilaawdeen deegaano ka tirsan Soomaaliland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment