1410 Views

Jarmalka oo ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyay dowladda

Jarmalka oo ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyay dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14 2021Jarmalka ayaa sheegay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si heshiis looga gaaro khilaafka harreeyay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Horay dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo midowga Yurub ayaa kasoo horjeestay muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Shacabka, iyaga oo Madaxda dowladda ugu hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post