1431 Views

Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne

Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne
____________________________________________________________________________

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa Galmudug oo ay wehlinayaan dadka degaanka oo hubeysan ayaa dib ula wareegay degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada huwanta ah waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen duleedka degaannada Bacaadweyne iyo Wisil, hayeeshee Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 21aad ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen degaanka, isla markaana ay xaqiijiyeen guud ahaan amniga degaanka Bacaadweyne iyo degaannada hoostaga.
Wararka laga helayo degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay howlgallo miino baaris ah ka wadaan degaanka Bacaadweyne iyo duleedkeeda ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo miino ka dhaceen.
Degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana bilihii la soo dhaafay ay noqotay goob dagaal kadib markii ay dhowr jeer weerareen Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post